blank

About VOA | Nala soo xiriir

Warbixinnada gaarka ah - Siyaasaddaha

50 sanno ayaa ka soo wareegtay markii Somalia ay xornimadeeda ka qaadatay dalalkii Ingiriiska iyo Talyaaniga. 26-kii bishii June 1960 ayay ahayd markii ugu horeysay ee calan xor ah laga taago gobolladii waqooyi ee dalka Somalia, iyadoo 1-dii July isla sanadkii 1960-kii ay xornimadii qaateen gobolladii koonfureed.

Labadii gobol ayaa midoobay isla 1-dii july 1960 waxaana maalintaasi la yagleelay dowladdii ugu horeysay ee Somalia yeelato.

Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay munaasabaddan sanadguurada 50-aad idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo taxane ah oo ka hadlaya marxaladdihii iyo isbeddeladii kala duwanaa ee Somalia soo martay 50-kii sanno ee la soo dhaafay ee dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha, ciyaaraha, arrimaha bulshada, diinta iyo sisaasadda.

Marxaladihii Siyaasadda

Waa barnaamij gaar ah oo ka hadlaya marxaladihii siyaasadeed ee dalka Somalia soo maray tan iyo waqtigii uu xornimada qaatay 1960-kii

Marxaladihii Diinta iyo Kaalinta Culimada

Barnaamijkan waxaan ku eegaynaa kaalinta culimada Soomaaliyeed ay ka ciyaareen halgankii gobannimo-doonka iyo 50-kii sanno ee xorriyada.

Marxaladihii Dhaqaalaha

Barnaamijkan waxaan ku eegaynaa arrimaha dhaqaalaha ee Somalia ee 50-kii sanno ee la soo dhaafay.

Marxaladihii Waxbarashada

Barnaamijkan waxaan ku eegaynaa marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay waxbarashada Somalia.

Marxaladihii Arrimaha Bulshada

Barnaamijkan waxaynu ku eegaynaa marxaladihii kala duwanaa ee dhinaca nolosha bulshada Soomaaliyeed ee xoriyadii kadib.

Marxaladihii Ciyaaraha

Barnaamijkan waxaan ku eegaynaa isbeddeladii ciyaaraha Somalia ay soo mareen 50-kii sanno ee la soo dhaafay.

Dhageysiga Idaacaddaha

Sawirro: Qaraxii Muqdisho

Barnaamij Gaar ah

To view this site, you need to have Flash Player 9.0.115 or later installed. Click here to get the latest Flash player.


Wareysiga James Swan