blank

About VOA | Nala soo xiriir

Warbixinnada gaarka ah - Siyaasaddaha

Idaacadda VOA ayaa idiin soo gudbinaysa barnaamijyo taxane oo lagu dhiraandhirinayo Aasaaskii Xarakada Al-Shabab.

Barnaamijyadan oo ka kooban lix qaybood waxaan ku eegaynaa:

-Soo if-bxii hore ee jihaadiyiinta Soomaaliya, gaar ahaan sidii uu ku dhismay garabkii hubaysnaa ee ururka Al-Itixaad.

-Sidii ururka Al-Itixaad uu u burburay, uuna uga hoos dhashay garabka jihaadiga ee mayalka adag.- Sidii ay ku dhasheen maxaakimta Islaamiga ee ka hanaqaaday magaalada Muqdishu iyo sidii ay ugu suurtogashay dhalinyarada inay dhexgalaan maxaakimta.

-Iyo ugu dambayn Aasaaskii Al-Shabab, qaab dhismeedka xarakada iyo raga hoggaamiyaha kuwa ay yihiin.

Barnaamijyadan oo uu soo diyaariyay Harun Macruuf, qeytan hoose mid-mid uga dhageyso.

Daawo Sawirrada Al-Shabaab

Aas-aaskii Ururka Al-Shabab (Q-6aad)

Qeybtan oo ah tii ugu dambeysay waxay ka hadlaysaa hogaanka Al-Shabab, ciidamada kala duwan iyo waajibaadka qeyb walbaa qaabilsan tahay

Aas-aaskii Ururka Al-Shabab (Q-5aad)

Qeybtan 5aad ee Aasaaskii al-Shabaab waxay ku saabsan tahay Hano-qaadkii muqaawamada iyo isku dubarridkii dagaalka gudaha ee Shabaab.

Aas-aaskii Ururka Al-Shabab (Q-4aad)

Qeybtan Afaraad ee aasaaskii ururka al-Shabaab, waxay ku saabsan tahay waqtigii ay aasaasantay kooxda al-Shabaab ee Soomaaliya.

Aas-aaskii Ururka Al-Shabab (Q-3aad)

Qeybtan 3aad waxay ku saabsan tahay sida ay dhalinyaradii jihaadiyiinta ee la baxay al-Shabaab ay u dhexgaleen maxkamadihii Islaamiga.

Aas-aaskii Ururka Al-Shabab (Q-2aad)

Waa qeybtii labaad ee Aas-aaska Ururka Al-Shabab, qeybtanina waxay ka hadlaysaa dagaaladii uu ururku la galay dawladda Ethiopia

Aas-aaskii Ururka Al-Shabab (Q-1aad)

Qeybta ugu horeysa ee barnaamijkani waxa ay ka hadlaysaa sidii fikirka jihaadka uu markii ugu horeysay ku yimid dalka somalia