blank

About VOA | Nala soo xiriir

Warbixinnada gaarka ah - Siyaasaddaha

Waxaa laga joogaa 20 sano markii Jabhadihii mucaaradka Soomaaliya ee fadhigoodu ahaa dalka Itoobiya ay xukunka qoriga caaraddiisa kaga tureen xukuumaddii milatariga ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Dhicitaanka dawladdaasi waxay Soomaaliya u horseedday dagaallo sokeeye iyo qalalaase siyaasadeed oo socda sannadkii labaatanaad.

Kadib qabashada 15 shirar dib u heshiisiineed iyo dhexdhexaadin caalami ah waxay u muuqataa inaan weli fari ka qodnayn khilaafka siyaasadeed, dagaallada kooxeed iyo loollanka qabaa’illada. Isweydiintu waxay tahay maxay Soomaalidu uga faa’iidaysan weyday taariikhda lasoo maray si ay dawladnimadeeda iyo qarannimadeeda dib ugu hanato?

Haddaba idaacaddan VOA kala soco barnaamijyada taxanaha ah ee “Burburkii Dawladnimada Iyo Qaran-jabkii Soomaaliya”. Waxaa soo diyaariyey Haaruun Macruuf, waxaana lasoo jeedinaysa Sahra Ciidle Nuur.

Burburkii Dawladnimada (Q 5aad)

Qeybtan 5aad waxay ka hadlaysaa dhibtii dadka kasoo gaartay burburkii dawladnimada iyo qeyb ka hadlaysa wixii ka khaldamay dawladii hore

Burburkii Dowladnimo (Qeybtii 4aad)

Qeybtani waxay ku saabsan tahay Sidee ayay Soomaalidu ku soo ceshan kartaa dowladnimadeeda, Waana dood ay ka qeybgelayaan aqoonyahanno.

Burburkii Dowladnimada Soomaaliya (Q-3aad)

Qeybtan 3aad waxay ka hadlaysaa shirarkii dib-u-heshiineed ee la doonayey in lagu badbaadiyo Soomaaliya, kadib dawaladdii Siyaad M Barre

Burburkii Dowladnimada Soomaaliya (Qeyb 2aad)

Laanta af Soomaaliga ee VOAda ayaa Barnaamij gaar ah oo taxane ah ka samaysay labaatan-guurada ka soo wareegtay burburkii Soomaaliya.

Burburkii Dawladnimada Soomaaliya (Qeybtii 1aad)

Laanta af Soomaaliga ee VOAda ayaa Barnaamij gaar ah oo taxane ah ka samaysay labaatan-guurada ka soo wareegtay burburkii Soomaaliya.

Dhageysiga Idaacaddaha

Daawo Sawirrada Afgooye

Ma joogtaa Somalia ama Dhadhaab?
Ma Doonaysaa inaad Fikirkaaga ka Dhiibato Dastuurka Cusub?
Fadlan Halkan Noogu soo dir Taleefonkaaga.

Lambarka Taleefonka:


Daawo Wareysiga Farmaajo