blank

About VOA | Nala soo xiriir

Warbixinnada gaarka ah - Siyaasaddaha

Dagaallada sokeeye ee ka soconaya ayaa la aamisan yahay inay aafaada ugu weyn u gaysteen dhalinyarada maanta. Malaayiin dhalinyaro ah ayaa qaarkood ay ku waayeen waxbarshadii iyo adeegyadii ijtimaaciga ahaa ee noloshooda daruuriga u ahayd. Sidoo kale kumanaan dhalinyaro ah ayaa ku biiray dagaallada si toos ahna uga qaybqaadanayey 20-kii sano ee la soo dhaafay, halka boqollaal kun oo kale ay dibedda uga qaxeen Soomaaliya.

Idaacaddan VOA ayaa idiinku talogashay barnaamijyo taxane ah oo cusub oo ka hadlaya qaabka waxbarashada, nolol iyo maskax ahaaneed ee ay dagaalladu u saameeyeen dhalinyarada.

Dhinaca hoose ee boggan ka dhagayso barnaamijyadii ugu dambeeyey ee ka hadlaya mowduucan

Taxanihii Dhalinyarada Maanta iyo Qaybtii u Dambaysay

Qaybtii u dambaysay ee taxanihii Dhalinyarada iyo Dagaalada, waxaa marti u ah Idiris Yuusuf oo khabiir ku ah arrimaha dhalinyarada.

Dhalinyarada & Dagaallada: Dib u Jaleecid

Xubintan waxaan todobaadkan ku soo qaadanaynaa qisooyinka ugu waa weynaa ee barnaamijyadii baxay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Dhalinyarada & Dagaallada

Sanad ka hor ayaa ururka Al Shabaab ay 4 dhalinyaro ah gacmaha iyo lugaha jareen, arrintaasi ayaan ku eegaynaa barnaamijka dhalinyarada.

Dhalinyarada & Dagaallada: Dhoofka

Todobaadkan waxaan uga hadlaynaa dhoofka. Dhalinyaro badan ayaa dibedda u dhoofay, iyadoo kuwo kale ay doorbideen inaysan dalka ka bixin

Dhalinyarada & Dagaallada: Qaadka

Barnaamijkan todobaadkan waxaan idinku haynaa Qaadka iyo dhibaatooyinka uu ku reebo dhalinyarada.

Dhalinyarada & Dagaallada - Hal-abuurka

Hal-abuurka iyo dhalinyarada waa mowduuca aynu ku soo qaadanayno barnaamijka Dhalinyarada Maanta iyo Dagaallada qaybtiisa 20aad.

Dhalinyarada & Dagaallada - Waddaninimada

Barnaamijka Dhalinyarada Maanta iyo Dagaallada waxa uu ku saabsan yahay u ololaynta arrimaha dhalinyarada, suugaanta iyo waddanimada.

Dhalinyarada & Dagaallada - Waalidnimada

Waalidiinta Soomaalida ah ee keligood carruurta ku koriya qurbaha waxaa ka mid ah kuwo badan oo dhalinyaro ah.

Dhalinyarada & Dagaallada - Hanti Samayn

Axmed Jaamac Jawle waxa uu shan sano ka hor hindisay shirkad ganacsi haatan oo hantideedu u dhiganto boqollaal kun oo doollar.

Dhalinyarada & Dagaallada - Ka Qaybgalka Siyaasadda

Haddii ay dhalinyarada doonayaan inay isbeddel muuqda ka sameeyaan dalka waa lagama maarmaan in dhalinyaradu siyaadda ka qaybqaataan.

Dhalinyarada & Dagaallada - Gabdhaha iyo Hoggaaminta

Barnaamijka Dhalinyarada iyo Dagaallada waxaan ku soo qaadanaynaa mid ka mid ah asaasayaasha ururka I Tus Haween Wax Qabsanaya, Missouri

Barnaamijka Dhalinyarada: Nabadda iyo Hogaaminta

Barnaamijka Dhalinyarada ee todobaadkan waxaa looga hadlayaa dhalinyarada iyo hogaaminta.

Dhalinyarada Maanta & Dagaallada Soomaaliya

Barnaamijka todobaadkan waxaa lagu eegi doonaa siyaabaha waalidku ula socon karo baraha Internetka ee ay dhalinyaradu booqato.

Dhalinyarada iyo Dagaallada: Tiknoolajiyadda Casriga ah

Barnaamijkeena dhalinyarada iyo dagaallada waxaan todobaadkan ku eegaynaa isticmaalka internet-ka iyo tiknoolajiyadda casriga ah

Dhalinyarada Maanta & Dagaallada Soomaaliya

Barnaamijka Dhalinyarada Maanta & Dagaallada Soomaaliya ee toddobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa adeegsiga baraha internetka.

Dhalinyarada & Dagaallada - Laba Dhalinyaro ah

Barnaamijkan Dhalinyarada iyo Dagaallada waxa uu ku saabsan yahay waayo-aragnimada laba dhalinyaro oo kala jooga Muqdishu iyo London.

Dhalinyarada & Dagaallada: Sheekada Max'ed Deeq

Todobaadkan Dhalinyarada & Dagaallada waxaan ku soo qaadanaynaa sheekada nin dhalinyar ah oo aan magaciisa ku koobnay "Max'ed Deeq"

Dhalinyarada & Dagaallada - Minnesota

Barnaamijka Dhalinyarada & Dagaallada Soomaaliya taxanaha 8-aad ee toddobaadkan waxa uu toddobaadkan ka imanayaa magaalada Minneapolis.

Dhalinyarada & Dagaallada - Ohio

Barnaamijka Dhalinyarada Maanta & Dagaallada Soomaaliya ee toddobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa dood dhexmartay ardayda gobolka Ohio.

Dhalinyarada & Dagaallada - Gabdhaha iyo Xijaabka

Barnaamijka Dhalinyarada & Dagaallada waxaan ku soo qaadanaynaa fikradaha gabdhaha dhalinyarada ah iyo amarrada labiska.

Dhalinyarada Maanta & Dagaallada Soomaaliya - Doodda UK

Barnaamijka Dhalinyarada Maanta iyo Dagaallada Soomaaliya waxan ku soo qaadanaynaa dood dhexmartay dhalinyarada ku nool dalka Biritan.

Dhalinyarada & Dagaallada - 17 jir lix jeer dhaawacmay

Barnaamijka afraad ee taxanaha Dhalinyarada & Dagaallada waxaan ku soo qaadanayaa sheekada wiil 17 jir ah oo lix jeer dhaawacmay.

Dhalinyarada Maanta & Dagaallada Soomaaliya - Sheekada "Asad Yare"

Kusoo dhowaada barnaamijkii saddexaad ee taxanaha Dhalinyarada Maanta & Dagaallada Soomaaliya.

Dhalinyarada Maanta & Dagaallada Soomaaliya - Qaraxii Hotel Shamo

Saddexdii bishan Diisambar ayey ahayd markii qaraxa ismiidaaminta ah uu ka dhacay Huteelka Shamo ee magaalada Muqdishu.

Dhalinyarada Maanta iyo Dagaallada Somalia

Waa barnaamijyo taxane ah oo VOA idiin soo tabinayso, kuwaasoo ka hadlaya xaalladaha kala duwan ee dhalinyarada maanta.