Qaar ka mid ah dalalka Islaamka waxaa ka jira kacdoon ay sameynayaan dadweynaha oo ay ku dalbanayaan in isbedel lagu sameeyo nidaamyada wakhtiga dheer jiray.
Haddaba VOA-da ayaa idiin diyaarisay barnaamijyo ku saabsan Kacdoonka Dunida Carabta.
Barnaamijyadan oo ka kooban 5 qeybood waxaa inoo soo diyaariyay Cabdulqaadir Maxamed Nuunow iyo Jacfar Kuukaay. Waxaana gacan ka geystay Cabdiraxmaan Yabarow oo VOA ka tirsan.
Qeybtan Taxahaha kacdooka dalalka Carabta waxay ku saabsan thaay saameynta amni ee uu yeelan karo kacdoonka ka jira waddanka Yemen.
Qeybtan waxay ku saabsan tahay, aragtida dalalka Reer Galbeedka iyo dalabka dimoqraadiyad doonka dalalka kacdoonku uu ka jiro..
Qeybtan waxay ku saabsan tahay kaalinta warbaahinta bulshada sida Facebook iyo Twitter ay ku yeesheen kacdoonka dalalka Islaamka.
Qeybtan labaad ee Kacdoonka Carabta waxay ku saabsan tahay doorka Nolosha Fakhriga iyo shaqo la'aantu ku yeesheen Kacdoonka.
Qeybtan waxay ku saabsan tahay, sida ay ugu suurtogashay hogaamiyeyaasha keligii taliyeyaasha inay xilli dheer talada haystaan.
Daawo Sawirrada Afgooye


Ma joogtaa Somalia ama Dhadhaab?
Ma Doonaysaa inaad Fikirkaaga ka Dhiibato Dastuurka Cusub?
Fadlan Halkan Noogu soo dir Taleefonkaaga.
Daawo Wareysiga Farmaajo
