blank

About VOA | Nala soo xiriir

Warbixinnada gaarka ah - Siyaasaddaha

Puntland waxaa ka jira xiisaddo u dhaxeeya maamulka iyo koox mucaarad ah oo u hoggaamiyo Sheekh Maxamed Siciid Atam, kooxdan ayaa la sheegayaa inay gacan saar la leeyihiin ururka Al-Shabaab. Dagaallo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Attam ayaa qarxay dhamaadkii bishii July. Inkasta oo ciidamada Puntland ay u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan fadhiisimo ay daganayeen kooxda Sheekh Atam oo ku yaalla deegaanka Galgala, laakiin kooxda Attam oo haatan ku sugan dhulka buuralayda ah ee Galgala ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan dagaallada ka dhanka ah ciidamada Puntland.

Dhinaca kale, Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar uu warbaahinta madaxa banaan uga mamnuucayo tabinta wararka ku saabsan kooxda Sheekh Attam. Sidoo kale maamulka Puntland wuxuu xabsiga dhigay agaasimaha Idaacadda Horseedmedia oo lagu eedeeyay wareysi ay idaacadaaasi la yeelatay Sheekh Maxamed Siciid Atam. Agaasimaha ayaa maxkamad ku taala Boosaaso ay ku xukuntay 6 sanadood oo xadhig ah iyo 500 Dollar oo ganaax ah. Qaar ka tirsan ururrada warbaahinta madaxa banaan ayaa canbaareeyey xadhigaasi.

C/xakiin: agaasimaha falal argagixiso ayaa loo haystaa

Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdixakiim Guuleed ayaa sheegay Agaasimaha xidhan ee Horseed-media in loo haysto arrimo argagixiso ah.

Doodda Gaaban: Tacaddiga Suxufiyiinta Puntland

Dooda Gaaban waxay ku saabsan tahay Tacaddiga loo geysto suxufiyiinta ka hawlgasha daka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Puntland.

Saxaafadda Puntland oo ka hadashay Go'aan cusub

Burhaan Axmed Daahir, Xoghayaha Suxufiyiinta Puntland ayaa sheegay inaysan fulin doonin amar lagaga mamnucayo tabinta wararka Mucaaradka

Saamaynta Xariga Suxufiyiinta

Suxufi Cali Muuse Cabdi oo ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa ka digay afqabad lagu sameeyo xorriyadda saxaafadda Soomaaliya.

Agaasimaha Horseedmedia oo 6 sanno lagu xukumay

C/fatax Jamac Mire, Agaasimaha Horseed Media ayaa lagu xukumey lix sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $500

Agaasimaha Idaacadda Horseedmedia oo la xiray

Ciidamo ka tirsan booliska magaalada Boosaaso ayaa xiray agaasimaha Idaacadda Horseed Media oo ay shalay ka kaxeyseen xarunta Idaacadda.

VOA oo wareysatay Wasiirka Amniga iyo Sheekh Attam

Wasiirka Amniga iyo Sheekh Attam ayaa labadooduba ka hadlay dagaallo culus oo ay ku dhinteen 20 qof kaasoo ka dhacay Galgala.

Sheekh Attam oo ka hadlay qabsashada Galgala

Sh. Maxamed Siciid (Atam) ayaa qiray in laga qabsaday Gal-gala, wuxuuna xusay inuu haatan galayo dagaallo "ku dhufo oo ka dhaqaaq ah"

Puntland oo Gacanta ku Dhigtay Gal-gala

Ciidamada Puntland ayaa la sheegay inay maanta la wareegeen gacan ku haynta Gal-gala oo xarun u ahayd maleeshiyo taagersan Shabab

Faaqidaadda Todobaadka iyo Puntland

Barnaamijka Faaqadiaadda Todobaadka wuxuu ku saabsan yahay, fikirka xagjirnimada ah ee ka soo laba kacleeyay Puntland.

Sheekh Attam: Annagu Shabaab Kama Tirsanin

Sh. Maxamed Siciid Atom oo wareysigiisii ugu horreeyay bixiyay,ayuu VOA-da u sheegay inaanay iyagu ka tirsaneyn kooxda al-Shabaab.

Doodda Gaaban: Rabshaddo mise Kacdoon

Dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Maleeshiyada Sheekh Attam ayaa ka dhacay Gal-gala

Dagaal ka dhex-qarxay Puntland iyo Maleeshiyada Attam

Dagaal xooggan ayaa ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Attam ku dhexmaray Gal-galo. Puntland ayaa guullo sheegatay

Faroole oo qiray in Shabaabku joogaan Puntland

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa qiray in maleeshiyo gacan-saar la leh Al-Shabab ay joogaan deegaanno ka tirsan Puntland.

Dhageysiga Idaacaddaha

Warbixinno iyo Wareysiyo

Sawirro: Qaraxii Muqdisho

Barnaamij Gaar ah

To view this site, you need to have Flash Player 9.0.115 or later installed. Click here to get the latest Flash player.