blank

About VOA | Nala soo xiriir

Warbixinnada gaarka ah - Siyaasaddaha

Idaacadda VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo taxane ah oo ka kooban shan qeybood kuwaasoo ka hadlaya raadadka ay dagaalladu maskaxiyad ku yeeshaan dadyowga ku dhexnool.

Qeybta koowaad ee barnaamijyadan waxay ku saabsan tahay dadka rayid ee ku dhexnool goobaha dagaallada iyo saameynta ay dagaalladaasi ku yeeshaan maskaxdooda.

Qeybta labaad, waxay ka hadlaysaa raadadka dagaalladu ku reebaan ardayda iyo ganacsatada ku dhex nool dagaallada.

Qeybta saddexaad, waxay ku saabsan tahay weriyayaasha ka howlgala goobaha dagaallada iyo raadadka ay maskaxdooda ku reebaan colaaddahaasi.

Qeybta Afraad, waxay ka hadlayaa askarta iyo ciidamada ka qeyb-qaata dagaallada iyo maskaxiyan sida ay dagaalladu u saameeyaan noloshooda iyo maskaxdooda.

Qeybta Shanaad ee ugu danbeysana waxay ka hadlaysaa dhakhaatiir sharxaya cudurada maskaxda ee ay sababaan dagaalladu.

Barnaamijyadan waxaa soo diyaariyay oo soo gudbinaya Max'ed Colaad Xasan.

Saameynta Maskaxeed ee Dagaalada Q.5aad

Barnaamijkan wuxuu ugu dambeeyaa barnaamijyo taxane ah oo ku saabsanaa saameynta maskaxeed ee ay reebeen dagaalada Soomaaliya.

Saameynta Maskaxeed ee Dagaallada (Q 4aad)

Qeybtan 4aad waxay ka haydlaysaa cudurada maskaxda ee soo gaara askarta goobta dagaalka joogta

Saameynta Maskaxeed ee Dagaallada (Q 3aad)

Qeybtan 3aad waxay ka hadlaysaa dhibaatooyinka dhinaca maskaxda ee soo gaara warfidiyeenada ka shaqeeya goobaha dagaalka

Saameynta Maskaxeed ee Dagaallada (Q 2aad)

Qeybtan 2aad waxay ka hadlaysaa dhibaatada dhinaca maskaxda ee ay ardayda waxbarashada ku jirtaa ka qaaddo dagaalada dhacaya.

Saameynta Maskaxeed ee Dagaallada (Q 1aad)

Qeybtan 1aad waxay ka hadlaysaa dhibaatada madaafiicda dhacaysaa ay ku hayaan caruurta iyo waayeelka

Dhageysiga Idaacaddaha

Daawo Sawirrada Afgooye

Ma joogtaa Somalia ama Dhadhaab?
Ma Doonaysaa inaad Fikirkaaga ka Dhiibato Dastuurka Cusub?
Fadlan Halkan Noogu soo dir Taleefonkaaga.

Lambarka Taleefonka:


Daawo Wareysiga Farmaajo