Gobollada iyo degmooyinka Somaliland waxaa 26-ka bishan ka bilaabmaya doorashooyinka madaxtinimimo. Dadweynaha Somaliland ayaa u dareeri doono goobaha codbixinta si ay u soo doortaan madaxweyne iyo madaxweyne-kuxigeen. Sadexda Xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID ayaa maalmihii u danbeeyay guud ahaan Somaliland ka waday ololaha doorashooyinka.
Idaacadda VOA ayaan idiin balanqaadaysa inay idiin soo tabiso wararka iyo dhacdooyinka la xiriira guud ahaan doorashooyinka madaxtinimo ee Somaliland.
Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa soo dhisay golle wasiirro oo ka kooban 20, kuwaasi oo ay yeelanayso xukuumaddiisu.
Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa loo dhaariyay xilka madaxweynaha Somaliland, kadib markii uu maanta xilkaasi kala wareegay Daaahir Rayaale
Axmed Siilaanyo ayaa loo doortay jagada madaxweynaha Somalilland kadib markii uu helay 49% codadkii la tiriyay halka Rayale ka helay 33%
Madaxweynaha Somaliland ayaa raaligalin ka bixiyay hadal ka soo baxay UDUB oo ay ku sheegeen in doorashadii lagu shubtay.
Shir jaraa’id oo ay maanta qabteen xubno ka tirsan Xisbiga UDUB ayay ku sheegeen in doorashadii Somaliland lagu shubtay.
Henry Bellingham, Wasiirka Arrimaha Afrika ee Britain ayaa amaanay hanaankii doorashada ee Somaliland
Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ka hadlay wakhtiga la filayo in ay soo baxdo natiijada doorashadu.
Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadkan waxaan ku gorfeyneynaa doorashada madaxweynanimo ee ka dhacday 6-da gobol ee Somaliland.
Wararka ka imanaya Somaliland ayaa sheegaya in xalay ay bilaabantay hawshii tirinta cododku.
Codbixinta doorashada Somaliland ayaa si habsami leh loo soo afjaray. In kabadan 1 malyuun oo qof ayaa ka qeybgalay doorashada maanta.
Somaliland waxaa si rasmi ah uga bilaabatay codbixinta doorashada madaxtinimada. Dadku waxay codadkooda ka dhiibanayaan 1800 oo xarumood
Madaxweynaha DKMG Shariif Sh. Axmed ayaa shacabka iyo maamulka Somaliland ugu hambalyeeyay doorashada madaxtinimada ee maanta dhacaysa.
Guddiga doorashooyinka Somaliland iyo goobjoogayaasha caalamiga ah ayaa ku jira doorashooyinkii u dambeeyay.
Madaxweyne Daahir Rayaale ayaa waraysi uu siiyay VOA-da ku xaqiijiyay inuu ku qanci doono natiijada ka soo baxda doorashada.
Musharaxa Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo ayaa sheegay in maanta la joogo wakhtigii ay umaddu go'aan qaadan lahayd
Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in xisbigiisu ku guuleysanayo doorashada.
Taariikhda saddexda musharax ee u tartamaya madaxtinimada Somaliland, iyo farqiga u dhexee doorashadan iyo tii hore.
Somaliland waxaa ka socda diyaargarowgii ugu danbeeyay ee doorshooyinka, waxaana doorashadan codeyn doonaan dad ka badan 1100.000 oo qof
Goobjoogayaasha caalamiga ah ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay qaabka ay u dhici doonto doorashada Somaliland.
Dad badan oo qurbaha ka tagay ayaa aad uga dhex muuqday intii uu socday ololaha Doorashada ee Somaliland.
Xisbiga Kulmiye ayaa soo gaba gabeeyay dhulatuskoodii olalaha doorshada. iyaga oo isu soo baxa ku qabtay gobolada.
Toddobaadkan barnaamijkan waxaan ku eegaynaa doorashooyinka madaxtinimo ee 26-ka bishan June ka dhici doona guud ahaan Somaliland.
Toddobaadkan waxaan barnaamijka ku eegaynaa qaabka ay haweenka Somaliland uga qeyb-galayaan doorashada Somaliland.
toddobaadkan waxaa barnaamijka marti ku ah G/k/X koowaad ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, wuxuuna ka hadlayaa ajandaha xisbigooda