Af hayeenka WFP-Somalia, Maxmuuud Xasan Guuleed ayaa VOAda u sheegay in roobabka ka curtay qaybo ka mid ah Somalia iyo kuwa la filayo ee ay wadaan Dabylaha El Nino ee ku soo aaddan Somalia laga saadaalinayo in ay fatahaado keenaan amma ay xidhaan jidkii Raashinka gargaarka ah loo marin lahaa dadka abaaruhu saameeyeen.

Isaga oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee badhtamaha Somalia ayaa Af hayeenku uu sheegay in Gobalada Gedo iyo Jubbooyinka iyo Shabeelaha Hoose iyo Sare, iyo Hiiraan iyo qaybo ka mid ah gobolada dhexe loo sii hor marin doono raashinkii gargaarka ahaa ee WFP ay ugu talagashay.

WFP ayaa ka codsatay dadka ka faai'daysta raashinka ay bixiso ee ku noola goboladaasi in ay isku fillaysiiyaan labada bilood ee soo socda isla markaana ay ka ilaashadaan biyaha ka dhalan kara daadadka iyaga oo meelo dhulka ka sareeya ku kaydsanaya.