Sep. 11

Dalka Mareykanka waxaa laga xasuyaa sanad-guurada 8-aad ee kasoo wareegatay weerarradii 11-kii September.

Weerarradaas waxaa maleegay ururka Al-Qacida, oo 19 nin oo Carab ah u xil-saaray fulintiisa. Ku dhawaad 3,000 oo qof oo rayid, oo xitaa ay ku jiraan tobaneeyo Muslimiin ah, ayaa weerarradaas ku dhintay. Laakiin khasaaraha soo gaaray Muslimiinta iyo waliba sumcadda Islaamka waa mid aan wali biya-dhiciiisii gaarin, sida uu qabo Dr. Caa’id Al-Qarni, oo ah caalim Sucuudi ah, aad-na looga yaqaanno caalamka Islaamka.

Dr. Caa’id Al-Qarni wuxuu yiri: “dadka garaadka lihi waxay garteen in khasaare ka badan kan soo gaaray Reer Galbeedka, uu soo gaaray dadka Muslimiinta ah. Dilku waa annaga, burburku waa annaga. Wiilasheenna waa baabe’een, ha ahaadeen ciidanka ah, ama kuwa is-qarxinaya.

Sheekhu wuxuu is-weydiiyey: maxaa kusoo kordhay weerarradaas? Ma dhulkii baa xuroobay, mise sharaftii baa la ilaaliyey? Mise sayid-caleyntii Mareykanka ayaa is-dhintay?

Sh. Qarni wuxuu yiri: falalkani waa kuwa carruurnimo ah, waxaanan munaasabaddan uga faa’ideysanayaa inaan ugu baaqo kuwa maleegaya falalkaas, inay Alle uga cabsadaan.

Weerarradii Sept. 11 waxay horseedeen dagaallada Ciraaq iyo Afghanistan. Muslimiinta ku dhimatay labadaas dal siddeedii sano ee lasoo dhaafay waxay kor u dhaafayaan hal milyan, sida ay dadka qaar ku qiyaasayaan. Dhiiggaas intiisa badan waa la badbaadin karay, haddii aysan Sept 11 dhicin.

Siddeed sano kaddib, sumcaddii Islaamku wali kama soo waaqsan bartii madoobeyd ee kasoo gaartay faniinkii 11-kii September. Daraasad ay bishii hore sameysay xarunta cilmi-baarista ee Pew Center, ayay ku xaqiijisay in 40% shacabka Mareykanku ay wali diinta Islaamka u arkaan mid dhiirri galisa fowdada.

Malaha dhibaatada ugu badan ee xagga sumcadda waxay soo gaartay Muslimiinta ku nool dalalka Galbeedka, gaar ahaan Mareykanka. Ugu yaraan 7 milyan oo Muslimiin Mareykan ah, ayaa maalin walba la kulma takoor iyo faqooqid.

Muslimiinta Mareykanka ayay dhibaato ka heysataa dhoofidda, oo waxaa caadi ah in baaritaan dheeraad ah lagula dhaqaaqo qofka u muuqaal eg Muslim. Waxaase taa ka daran in gobollada Mareykanka qaar, sida kan Soomaalidu ay ku badan yihiin ee Minnesota iyo gobolka Oklahoma, in baarlamaannada gobolladaas la keenay mooshin mamnuucaya in gabdhaha Muslimiinta ah ay xijaabka xirtaan, marka laga qaadayo sawirka kaarka aqoonsiga.

Muslimiinta Mareykanka, oo doonaya inay wanaajiyaan sumcadda diintooda, ayaa iidhehyo kasii daayey taleefishinnada Mareykanka. Waxaana dadkii iidheh-yadaas kasoo dhex muuqday kamid ah Maxamed Cali Kalaay, feeryahanka caanka ah.

Maxamed Cali Kalaay wuxuu yiri: “Islaamku wuu kasoo horjeedaa dilka iyo argagixisada. Dadka ku kacaya falalkaas-na, waa kuwa iskooda isku soo agaasimay. Haddii aan awood leeyahay, waxbaan ka qaban lahaa.”

Xayaysiin kale oo ay Muslimiinta Mareykanku kasii daayeen warbaahinta, ayay si kulul ugu cambaareeyeen falalka aragagixisada ee lagu fulinayo magaca diinta Islaamka.

“Islaamku ma dhiirri galinayo naceyb iyo qalalaase. Islaamku wuxuu ku baaqayaa cadaalad iyo nabad.”

Dhanka kale, hey’ad ay ku mideysan yihiin culimada Islaamka ayaa soo saartay fatwo si kulul u cambaareysay weerarradii 11-kii September, iyo dhammaan falalka kale ee la hal-maala.

Culimadu waxay yiraahdeen: argagixisanimadu waxay noqotay cadowga koobaad ee Islaamka iyo Muslimiintu ay leeyihiin qarnigan 21-aad. Ciraaq iyo Afghanistan ka sokow, waxaa argagax ku nool shucuub badan oo Muslim ah, oo ku kala nool Pakistan, Falastiin, Somalia, Yemen iyo meelo kale oo badan.

Sep. 11