Xulka qaranka kubadda cagta ee Soomaaliya, ayaa galabtii Axadda ku guul-darreystay hal iyo eber (1-0), ciyaar uu xulku la yeeshay dhiggiisa dalka Rwanda.

Daqiiqaddii 30-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta, ayuu ciyaartoy ka tirsan xulka qaranka Somalia si kama'a ah kooxdiisa uga dhaliyey gool.

Ciyaartaas ayaa qeyb ka aheyd Tartanka Bariga iyo Bartamaha Africa ee u dhaxeeya dalalka ku yaalla gobolkaas. Ciyaarta ayaa ka dhacday garoonka weyn ee kubadda cagta ee magaalada Nairobi.

Boqollaal Soomaali ah oo kamid ah Soomaalida deggan dalka Kenya ayaa usoo dareeray garoonkii ay ciyaartu ka dhacday, si ay u dhiirri galiyaan xulka qaranka Soomaaliyeed. Dadkii halkaa isugu yimid waxaa kamid ahaa danjiraha Somalia u fadhiya magaalada Nairobi.

Ma ahan markii ugu horreysay ee xulka qaranka Somalia loogu awood-sheegto dalka dibaddiisa. Dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay, ciyaaro noocaas ah ayay Somalia mar walba guul-darro kasoo hoyneysay, inkasoo kooxda xulka qaranka Somalia lagu ammaano ciyaar wanaag, marka loo barbar dhigo xulalka kasoo jeeda dalalka dowladaha leh.