Mudaaharaadka Turkiga

Published June 07, 2013


Ra'iisal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo bannaanbaxyada looga soo horjeedo xukuumaddiisa.

1

Dadka ka soo horjeeda xukuumadda Turkiga oo isugu soo baxay fagaaraha weyn ee magaalada Istanbul ee Taksim Square, June 5, 2013.

2

Taagerayaasha Recep Tayyip Erdogan oo si farxadle ugu soo dhawaynaynaa garaaonka diyaaradaha magaalada Istanbul ee Ataturk airport, June 7, 2013.

3

R/W Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo u gacan haadinayaa taageerayaashiisa oo ku soo dhawaynayay garoonka diyaaradaha ee Ataturk airport, June 7, 2013.

4

Bannaanbaxayaasha oo teendhooyin ka dhistay beerta Gezi park, ee fagaaraha Taksim Square, Istanbul, June 6, 2013.

5

Baabuur bus ah oo la burburiyay laguna qoray ''Baskan waxa uu u socdaa dhinaca Kaligii-taliyaha'' waxaana lagu gubay fagaaraha Taksim Square, ee magaalada Istanbul, June 6, 2013.

6

Bannaanbaxayaasha Turkiga oo dhagax ku xiraya waddooyinka fagaaraha Teksim ee Istanbul, June 5, 2013.

7

Dadka ka soo horjeeda xukuumadda Turkiga oo isugu soo baxay fagaaraha weyn ee magaalada Istanbul ee Taksim Square, June 3, 2013.

8

Mid ka mid ah dadka ka soo horjeeda xukuumadda Turkiga oo ku banaanbaxaysa caasimadda Ankara, June 3, 2013.

9

Dadka ka soo horjeeda xukuumadda Turkiga oo isugu soo baxay fagaaraha weyn ee magaalada Istanbul ee Taksim Square, June 3, 2013.

10

Bannaabaxayaasha oo geedaha kaga dhuumanaya biyaha ay boolisku u adeegsanayaan ka dareerintooda, Istanbul, June 2, 2013.