Sawirrada Maanta: Oct. 15, 2015

Haweeney canugeeda ku riixeysa gaariga ilmaha, meel u dhow dooxada riyada (Dream Lake) ee magaalada Amherst ee gobolka New Hampshire ee dalka Mareykanka.

Barafkii ugu horreeyey ee xilliga qabowga oo ku dhacay magaalada Zwoenitz ee bariga dalka Jarmalka.

Dhinacyada madow ee cadceedda oo laga arko sawirkan oo ay qaaday hay'adda NASA ee Mareykanka u qaabilsan hawada sare.

Baabuur ay sameysay shirkadda Audi oo yaalla meel banaan ah, magaalada Changchun ee gobolka Jilin ee dalka Shiinaha.

Qalabkii lagu dhisayey buundo oo bur-buray, magaalada Sandton ee dalka Koonfur Afrika. Laba qof ayaa halkaas ku geeriyootay, labaatan kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Goobta Taariikhiga ah ee Machu Picchu ee dalka Peru.

Dad ku socda doomaha yar ee gacanta lagu riixo, webiga Arga River ee dalka Spain, xilli qoraxda ay sii dhaceyso.

Beer uu ka baxayo bariis oo dusha sare laga sawiray, xaafadda Zhonghong ee duleedka magaalada Shanghai ee dalka China.