Sawirrada Maanta: Oct. 5, 2015
At a pro-Independence rally, this woman says the referendum is the best thing that has happened in her life, in Irbil, Iraqi Kurdistan, Sept. 25, 2017. (H. Murdock/VOA)
Nin Muujinaya garkiisa, isaga oo ka qeyb-galaya tartanka garka dunida ee magaalada Leogang ee gobolka Salzburg ee dalka Austria.
Xubno ka tirsan dowladda Imaaraadda Dubai oo yimid billowga mashruuca Hindisaha Caalamiga ah ee Mohammed bin Rashid Al Maktoum ee magaalada Dubai.
Sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka AFP oo uu kala tuurayo askari Israeli ah, intii uu socday banaanbax ka dhacayey dhinaca muslimiita ee magaalada Qudus, kadib markii Israel ay muslimiinta u diiday halkaas.
Gabdho iska caawinaya u diyaar garowga cayaar ka dhaceysa magaalada Seoul ee dalka Korea-da Koonfureed.
Welsar Nazario oo siday naxash uu ku jira meydka wiilkii uu adeer u ahaa ee Alezandro Macario, oo ku geeriyooday dhiiqo-guur ka dhacaya magaalada Guatemala City, oo dad badan ay ku nafwaayeen.
Askari xusaya sanad guuradii 70-aad ee kasoo wareegtay aas-aaska ciidamada Indonesia, oo ka dhacday xerada Cilegon ee gobolka Banten.
Nin dhinac socda baabuur la is dhinac saaray kadib daad ku rogmaday magaalada Mandelieu la Napoule, ee Koonfurta France. Daadkaasi ayaa dilay tobaneeyo qof.
Daad xooggan oo meel sare gaaray waddada Garners Ferry Road ee magaalada Columbia ee gobolka South Carolina, USA. Roobab xooggan oo aan horey loo arag ayaa ka da'ay gobolka.
Daafaca Liverpool Martin Skrtel oo kubadda maamulada, ciyara dhexmartay kooxdiisa iyo kooxda magaalada kala dhisan ee Everton oo 1-1 ku dhammaatay.
Nin Beeraley ah, oo guranaya beertiisa, kuna sugan magaalada Yili ee gobolka ismaamulka Shiinaha ee Xinjiang.
Dad ku raaxeysanaya xeebta Bondi ee magaalada Sydney ee dalka Australia.