Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Oct. 5, 2015
10
Daad xooggan oo meel sare gaaray waddada Garners Ferry Road ee magaalada Columbia ee gobolka South Carolina, USA. Roobab xooggan oo aan horey loo arag ayaa ka da'ay gobolka.
11
Daafaca Liverpool Martin Skrtel oo kubadda maamulada, ciyara dhexmartay kooxdiisa iyo kooxda magaalada kala dhisan ee Everton oo 1-1 ku dhammaatay.
12
Nin Beeraley ah, oo guranaya beertiisa, kuna sugan magaalada Yili ee gobolka ismaamulka Shiinaha ee Xinjiang.
14
Dad ku raaxeysanaya xeebta Bondi ee magaalada Sydney ee dalka Australia.