Kooxaha u ololeeya kacdoonka Syria ayaa sheegay in ugu yaraan 100 qof lagu dilay weerar ay ciidamada dowladdu ku qaadeen nawaaxiga magaalada caasimadda ah ee Dimishiq, weerarkaas oo lagu eedeeyey ciidamada dowladdu inay adeegsadeen hubka kiimikada ah.
Milateriga Syria oo lagu Eedeeyey inay Geysteen Weerar Kiimiko ah
5
Askari ka tirsan milateriga Syria oo garaarsan qori AK-47 ah oo uu ku dhagan yahay sawirka Madaxweyne Basharal Assad oo uu la socdo qoraal ku dhigan afka carabiga oo oranaya " Syria way wanaagsan tahay" waxa uuna taagan yahay bar koontarool oo ku taalla wadada Baghdad ee magaalada Dimishiq, August 21, 2013.
6
Askari ka tirsan milateriga Syria oo baaraya gaari taagan bar kontarool oo ku taalla wadada Baghdad ee magaalada Dimishiq, August 21, 2013.