Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Oct. 5, 2015
5
Gabdho iska caawinaya u diyaar garowga cayaar ka dhaceysa magaalada Seoul ee dalka Korea-da Koonfureed.
6
Welsar Nazario oo siday naxash uu ku jira meydka wiilkii uu adeer u ahaa ee Alezandro Macario, oo ku geeriyooday dhiiqo-guur ka dhacaya magaalada Guatemala City, oo dad badan ay ku nafwaayeen.
7
Askari xusaya sanad guuradii 70-aad ee kasoo wareegtay aas-aaska ciidamada Indonesia, oo ka dhacday xerada Cilegon ee gobolka Banten.
8
Nin dhinac socda baabuur la is dhinac saaray kadib daad ku rogmaday magaalada Mandelieu la Napoule, ee Koonfurta France. Daadkaasi ayaa dilay tobaneeyo qof.